
Show Notes
Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa u billowday sanadkii afaraad. Geeddi-socodka doorashooyinka & dib-u-eegista dastuurka weli waa qabyo. Wakhtiga harayna waxa ay u muuqdaan in ay adag tahay in lagu dhameeyo. Hannaanka doorashada waxa aanan qeyb ka ahayn siyaasiyiin ay kamid yihiin madaxweynayaal & raysal wasaarayaal hore. Qeybtan 51-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Amb Ahmed Isse Awad oo ah Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa isla gorfeynaya xaa...
More from Maamul Wanaag
Tan iyo burburkii dowladdii dhexe, Soomaaliya waxay la daalaa dhacaysay dagaallo sokeeye oo wejiyo kala duwan leh. Kaddib dadaallo badan oo dib-u-heshiisiin ah, waxaa Jamhuuriyadda Saddexaad lagu dhisay shirkii nabadda iyo dib-u-heshiisiinta ee lagu qabtay magaalada Carta ee dalka Jabuuti. Rubuc qarni kaddib shirkaas, caqabadaha siyaasadeed iyo kuwa bulsho ee Soomaaliya weli ma helin xal waara. Qaybta 82-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuu...
Geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya ayaa afartii sanaba mar gala marxalad doorasho oo xasaasi ah, taas oo u baahan in si miir-qab iyo masuuliyad leh loo maareeyo. Puntland, oo ah dowlad-goboleedkii ugu horreeyay ee Soomaaliya ka dhismay, ayaa saddexdii muddo-xileed ee ugu dambeeyay soo bandhigtay tabashooyin la xiriira hannaanka loo marayo geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya. Qaybta 81-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Cabdi Faarax Saciid (Juxa), oo ah wasiirkii h...
Waxaa socda dadaallo looga heshiinayo nooca doorasho ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee xiga. Waxaa jira saluug ah in doorashooyinkii dadbanaa ee hore aanay soo saarin xildhibaanno leh tayadii laga filayay. Su’aasha muhiimka ahi waxa ay tahay: sidee ayay noocyada doorasho ee laga wada hadlayo u abuuri karaan fursad lagu helo xildhibaanno leh tayada laga filayo? Calinuur Boodaaye waxa uu kamid ahaa baarlamaankii 9-aad. Waxa uu qiimeyn iyo gorfeyn ku sameeyay baarlamaankii uu ka tirsanaa....
Miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee 2026, oo uu Baarlamaanka Federaalka ansixiyay dhammaadkii 2025, ayaa gaareysa $1.39 bilyan. Inkastoo hiigsigu weli yahay “ku tiirsanaanta awooddeena dakhli”, 65% miisaaniyadda waxaa laga filayaa deeq-bixiyeyaasha, kuwaas oo ku bixinaya taageero mashaariic iyo kabka miisaaniyadda. Dakhliga gudaha ee la filayo ayaa ah 35%. Qeybta 79-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Wasuge iyo Farhia Mohamud, oo ah cilmibaare ka tirsan Somali Public...
Bishii Luulyo, waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ka dhacay dhowr wareeg oo wada-hadallo heer farsamo ah oo ku saabsanaa arrimaha doorashooyinka. Beesha caalamka ayaa ku lahayd door dhexdhexaadin. Dowladda Federaalka iyo saddex garab oo mucaarad ah—GolahaMustaqbalka, Golaha Midnimada, iyo Nabad & Nolol—ayaa soo bandhigay noocyada doorasho ee ay u arkaan inay ku habboon yihiin doorashada baarlamaanka federaalka ee xiga ee Soomaaliya. Qeybta 78-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasu...