Adeeg Wanaag

Adeegga Caafimaadka ee Gobolka Benaadir: Caqabadaha iyo Xalka

Adeeg Wanaag

Show Notes

Kahor burbrukii dowlada Soomaaliya ee 1991-kii, adeegyada bulshadda guud ahaan, gaar ahaan adeegga caafimaadka, waxaa gacanta ku hayay dowladda dhexe. Kadib sanado laga shaqeynayay dib-u-yagleelidda hay’daha dowliga ah ee bixiya adeegga dadweynaha, waxaa suuragashay in adeegyada qaar ee dowladu bixin jirtay dib loo yagleelo. Adeegga caafimaadka gobolka Bendair ee ay dowladu bixiso ayaa kamid ah kuwa dib loo howlgaliyay, iyadoo kuwa gaarka ah ee baahida bulshada dabooli jiray ay weli kaa...

More from Adeeg Wanaag

Oct 8, 2026

Muddooyinkii u dambeeyay, Soomaaliya waxaa si isdaba joog ah u saameynayay daadad iyo abaaro soo noqnoqday. Xilliga Deyrta ee sannadkan 2026-ka, waxaa la filayaa roobab mahiigaan ah oo sababi kara daadad xad-dhaaf ah, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara deegaanno badan oo dalka ka tirsan. Qeybtan 48-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Farhia Mohamud iyo Cabdullaahi Muuse Axmed, oo ah Agaasimaha Qeybta Gargaarka Degdegga ah ee Caafimaadka ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), waxay k...

Jul 28, 2026

Daraasado laga sameeyey Soomaaliya iyo waayo-aragnimo nololeed ayaa lagu ogaaday in dumarka Soomaaliyeed ay dhibaatooyin badan kala kulmaan isticmaalka kareemada la isku caddeeyo. Waxyeellooyinka ka dhasha isticmaalka dawooyinkan kuma koobna oo keliya dhibaatada ay u geystaan jirka, balse waxay sidoo kale saameyn taban ku yeeshaan caafimaadka maskaxda. Qeybtan 47-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Farhia Mohamud, iyo Shukri Ali Mohamed (Shukri Fiican) oo ka hadasha arrimaha caafimaadka gaar a...

Jun 8, 2026

Burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ka dib waxaa la furay jaamacado gaar loo leeyahay kuwaas oo dadaal ku bixiyey sidii ay u dabooli lahaayeen booskii hay’adaha waxbarashada ee dowladda. Tirada jaamacadaha Soomaaliya waxay hadda kor u dhaafayaan 130 jaamacadood. Jaamacadda SIMAD waxa ay ka mid tahay jaamacadihii ugu horreeyey ee la furay burburkii kadib, iyada oo soo saartay ku dhawaad 8,500 oo arday. Qeybtan 46-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Dr. Aweis Ahmed, iyo Dr. Abdikarim Mohaidin Ahme...

May 6, 2026

Dhammaadka sanadkii hore, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday xaalad abaareed in uu dalku galay, kadib markii ay baaqdeen roobabkii deyrta, iyo xilliga kuleylaha jiilaalka ee ka dambeeyay. In ka badan 5 milyan oo qof ayaa la sheegay in ay abaartu saameysay. Hay’adda Ground Truth Solutions, ayaa warbixin dhawaan ka qortay saameynta abaarta, hababka bulshooyinku ula tacaaleen, iyo sida ay tahay haya’daha ka shaqeeya arrimahan in ay u wajahaan. Qeybtan 45-aad ee A...

Apr 7, 2026

Inkastoo ay Soomaaliya horumar ka sameysay adeegga bangiyada iyo shirkadaha kale ee ka shaqeeya arrimaha lacagaha, haddana dadweynaha iyo ganacsatada waxa ay culeys ku qabeen in lacagaha la isaga kala diri karin bangiyada iyo shirkadaha maaliyadda dhexdooda. Shirkadda Somali Payement Switch ayaa la sameeyay si ay u fududeyso adeegga lacag dirista iyo wax kala iibsiga, iyadoo la adeegsanayo bangiyo kala duwan. Qeybtan 44-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweis Ahmed iyo Cabdullahi Biixi Xusee...

See all episodes →