
Show Notes
Sideen u samaystaa Xuduudo -Shaqeed ayaynu kaga jawaabaynaa xilqaddan. Dhagaysi iyo Dhaqan-gelin wanaagsan. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
More from Kabasho
Daal aadan xeeldheeraantiisa ka faalloon karin wax kasta oo aad samaysayna aan suulaynin haddii uu ku hayo oo salkiisa aad gaadhi wayday armuu yahay 'shufbeel tamareed' ! Dhagaysi iyi dhaqan gelin wanaagsan. Ka falceli xilqaddan 😊
Waligaa ma dareentay in markasta oo aad tallaabo horę u qaaddo Aad haddana dib u qaadayso? Cabsi maka dareentaa hore u socodkaaga nololeed? haddii jawaabtu 'Haa' tahay xilqaddan adiga ayaa iska leh. Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan 🌸 Ka falceli xilqaddan 😊
Haddii ay ku daaliyaan gaadhidda go'aamadu ha yaraadaan ama ha waynaadaane xilqaddan adiga ayaa iska leh, fahan sababaha ka danbeeya daalka ,fahankaasina haku dhaxalsiiyo in aad naftaada u dhibrisid oo u dhego nuglaatid. Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan. Ka falceli xilqaddan 😊
Haddii gudaha madaxaaga adduunyo kuu gaar ahi kaaga dhisantahay oo la qabsiga aad la qabsatay aawadeed aad adduunyadaada dibadeeda uga qawadid, xilqaddan adiga ayaa iska leh. Dhagaysi wanaagsan Ka falceli xilqaddan 😊
Waligaa ma dareentay inaad nolosha dul sabbaynayso, in aad dareen ahaan kabuubyoonayso, in xasuusaha qaar yaraantaadii aanad waxbaba ka xasuusan? Haddii Jawaabtu 'HAA' tahay, xilqaddani waxay kaa caawin kartaa fahanka naftaada. Dhagaysi wanaagsan🌸 Ka falceli xilqaddan 😊